Fursadaha shaqo ee macalimiinta iyo barayaasha cusub ee waxbarashada caruurnimada hore
Dawlada Victoria waxaa ka go'an inay isbedel sameeyaan iyaga oo wanaajinaya natiijooyinka dhamaan qoysaska reer Victoria, kuwaas oo ay ku jiraan qoysaska dhaqamada iyo luqada kala duwan leh.
Si loo fuliyo ballan-qaadkan, Bilawga ugu Wanaagsan, Dib-u-habaynta Nolosha ugu Wanaagsan (Best Start, Best Life reform) waxay ku maalgelin doontaa in ka badan $370 milyan si loo kordhiyo shaqaalaha carruurnimada hore.
Da'daalo dhanka shaqaalaha ah oo kala duwan ayaa la qorsheeyey si ay u soo jiitaan una taageeraan in ka badan 11,000 oo macalimiin siyaada ah oo ilmaha wax bara iyo barayaal ka kala yimid gobolka oo dhan.
Taageero dhaqaale iyo kaalmooyin aan dhaqaale ahayn ayaa loo heli karaa murashaxiinta u qalma ee ka kala yimid asal kasta oo doonaya inay yeeshaan xirfad waxbarasho oo carruurnimada hore ah.
Fiiri macluumaadka hoose si aad wax badan uga ogaato sida aad u noqon karto macalin ama bare caruureed.
Dhisida xirfad shaqo oo caruurnimada hore ah
Waxa jira dhowr siyaabood oo kala duwan oo waxbarasho ah iyo caawimaad dhaqaale oo loo heli karo dadka danaynaya inay noqdaan macalin ama bare carruurnimada hore ah. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo: Taageero dhaqaale oo wax lagu barto looguna shaqeeyo caruurnimada hore | vic.gov.au.
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xirfadaha waxbarashada carruurnimada hore iyo taageerada dhaqaale ee waxbarashada, booqo Noqo macalin carruurnimada hore ama barbaariye.
Shaqada
Shaqada waxbarashada ilmanimada hore waxaa maamula maamulayaasha adeega gaarka ah iyo bixiyeyaasha barnaamijyada xanaanada.
Booqo Mareegta Shaqooyinka Carruurnimada Hore si aad u aragto shaqooyinka hada la heli karo iyo si aad u akhriso daraasadaha kiisaska dadka ka shaqeeya qaybtan.
Koorsooyinka waxbarashada ilmanimada hore ee bixiya taageerooyin dheeraad ah, booqo: Barnaamijka Iskaashiga Jaamacadeed ee Carruurnimada Hore| vic.gov.au.
Updated