JavaScript is required

Sida la isu diiwaangeliyo iyo goorta la is-diiwaangelinayo (How and when to enrol) - Soomaali (Somali)

Kala hadal golaha deegaankaaga ama adeega xanaanada caruurta wixii ku saabsan nidaamka diiwaangelinta. Waxaad sidoo kale ka wici kartaa Khadka Weydiimaha Xannaanada Saddex Sano Jirka 1800 338 663 ama iimayl ugu diri kartaa 3YO.kindergarten@education.vic.gov.au. Wixii taageero luuqadaada ah ama haddii aad doonayso inaad hesho turjubaan, wac 131 450 marka hore.

Bilowga hore ee xanaanada (Early Start Kindergarten - ESK)

Carruurta ka soo jeeda qaxootiga ama magangalyo doonka waxay heli karaan taageerooyin dheeraad ah waxayna heli karaan mudnaanta helida xanaano loo marayo Bilowga hore ee xanaanada. Waxaad waydiin kartaa adeega deegaankaaga wixii ku saabsan Bilowga hore ee xanaanada (Early Start Kindergarten) marka aad diiwaangalinayso ilmahaaga ama booqo Early Start Kindergarten wixii macluumaad dheeraad ah.

Goorta la isdiiwaangelinayo

Victoria gudaheeda, waxaad carruurta ku bilaabi kartaa barnaamijka xannaanada markay 3 sano jir yihiin. Waxaad gelin kartaa taariikhda dhalashada ilmahaaga Xisaabiyaha Da'da Bilowga si aad u ogaato sanadka ay bilaabi karaan Kindergarten-ka ama Pre-Prep-ka Saddex-iyo-Afar-Sano Jir ah.

Haddii uu ilmahaagu dhashay inta u dhaxaysa 1-da Janaayo iyo 30-ka Abriil, waxaad dooran kartaa sanadka uu bilaabayo Xannaanada- Saddex-Jirka. Ilmahaagu waxa uu bilaabi karaa Xannaanada-Saddex Jirka isla sanadka uu buuxiyo 3da, ama sanadka uu buuxiyo 4ta sano. Haddii ilmahaagu bilaabo Xannaanada-Saddex-Jirka sannadka uu 3 jirsado waxay markaas bilaabayaan dugsiga sannadka ay buuxiyaan 5 sano. Haddii aad dooratid inaad u dirto ilmahaaga Xanaanada Saddex Jirka ah sanadka ay buuxiyaan 4, waxay bilaabi doonaan dugsiga sanadka ay buuxiyaan 6 sano.

Raadi barnaamij xannaano ah

Si aad u hesho adeegyada bixiya barnaamijyada xanaanada ee la ansixiyay, booqo barta internetka ee barnaamijka kinder. Golaha deegaankaaga iyo adeegyada xanaanada caruurta ayaa sidoo kale kaa caawin kara inaad boos ka hesho xanaanada.

Raadi calaamadda Saxda (tick) ee Xannaanada

Calaamada Xannaanada ee saxda (tick ta) waxay ka caawinaysaa qoysaska reer Victoria inay caruurtooda u helaan barnaamij xannaano oo la ansixiyey.

Ka raadi calaamadda Kinder Tick adeega xanaanada deegaankaaga, adeega ama xarunta dhismaha ama barxadda, mareegaha internetka ama agabkooda macluumaadka.

Updated