JavaScript is required

Bilawga hore ee Kindergarten-ka (Early Start Kindergarten) - Soomaali (Somali)

Haddii aad asal ahaan ka soo jeedo qaxooti ama magangelyo-doon waxaa laga yaabaa in aad xaq u yeelato Xanaanada Waqti Hore La Bilaabo (Early Start Kindergarten - ESK). ESK waxay kaa caawin kartaa inaad xaqiijiso sidii aad isbuuc kasta ugu heli lahayd ilmahaaga saacadaha ugu badan ee macquulka ah ee barnaamijka Kinder-ka lacag la'aanta ah.

Sida loo codsado

ESK waxaa laga heli karaa dhammaan barnaamijyada xanaanada ee uu bixiyo macalin aqoon u leh. Waad diiwaangelin kartaa ilmahaaga adiga oo la xiriiraya xanaanada kuugu dhow kabacdina weydiinaya sidii aad ku heli lahayd deeqda Ilmanimda Hore ee Kindergarten-ka. Adeegyada Xanaanada waxay awoodaan inay kuu helaan adeeg tarjubaan oo lacag la'aan ah si ay kuugu taageeraan luqaddaada.

Waxaad sidoo kale kala xiriiri kartaa Khadka Waydiimaha Xanaanada Saddex Jirka ee Waaxda Waxbarashada 1800 338 663 ama golaha deegaankaaga (local council) si aad u hesho caawimaad. Si aad u hesho caawimaad luqaddaada waxaad ka wici kartaa nambarka Turjubaanada iyo Fasirayaasha Qaranka (National Translating and Interpreting Service) 131 450, kana codso turjubaanka inuu kuu waco nambarka golaha deegaankaaga ama waaxda waxbarashada, turjubaankuna wuxuu ku jiri doonaa khadka taleefanka si uu kuugu turjumo.

Marka la codsanayo

Carruurtu waxay xaq u leeyihiin ESK haddii ay saddex jirsadaan ka hor 30-ka Abriil ee sannadka loo diiwaangelinayo inay dhigtaan xannaanada saddex-jirka ah. Eeg 'goorta la isqoro'.

Haddii uu ilmahaagu dhashay inta u dhaxaysa 1-da Janaayo iyo 30-ka Abriil, waxaad dooran kartaa sanadka uu bilaabayo Xannaanada- Saddex-Jirka. Ilmahaagu waxa uu bilaabi karaa Xannaanada-Saddex Jirka isla sanadka uu buuxiyo 3da, ama sanadka uu buuxiyo 4ta sano. Haddii ilmahaagu bilaabo Xannaanada-Saddex-Jirka sannadka uu 3 jirsado waxay markaas bilaabayaan dugsiga sannadka ay buuxiyaan 5 sano. Haddii aad dooratid inaad u dirto ilmahaaga Xanaanada Saddex Jirka ah sanadka ay buuxiyaan 4, waxay bilaabi doonaan dugsiga sanadka ay buuxiyaan 6 sano.

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo marka ilmahaagu xaq u yeesho ESK, waxaad la xidhiidhi kartaa Waaxda Waxbarashada, golaha deegaankaaga, kalkaalisada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, ama xannaaneeyaha degaankaaga, ama mid ka mid ah ururada soo socda ee degaankaaga:

Ilmahaygu ma inuu aado Xanaanada Afarta-Sano ee Kindergarten-kaa?

Haa, carruurta heshay Bilowga hore ee xanaanada sidoo kale waxay xaq u leeyihiin Xannaanada-Afar-Jirka oo lacag la'aan ama qiimo jaban ah. Xannanada-Afar-Jirka waxay si tartiib-tartiib ah u noqonaysaa bareebka ka hor, ee bilaabanaya 2025. Sannadka 2026, ilaa 25 saacadood oo Pre-Prep ah ayay isbuuc kasta heli doonaan carruurta:

  • asal ahaan kasoo jeeda qaxooti ama magangalyo doonka
  • ee loo aqoonsan yahay inay yihiin Aborijiniska iyo/ama Torres Strait Islander
  • oo qoyskoodu ay xiriir la leeyahay kuwa caruurta ilaaliyo ee loo yaqaan xafidayaasha ilmaha (child protection).

Iska-diiwaangelinta ESK sanad ka hor waxayna dammaanad qaadaysaa in ilmahaagu heli karo saacadaha la kordhiyay ee Pre-Prep ka toddobaad kasta iyada oo aan loo eegi doonin meesha ay kaga nool yihiin Victoria. Qoysasku xaq ayay u yeelan doonaan Pre-Prep xitaa haddii aysan iska diiwaan gelin ESK sanad kahor.

Updated