Iskuulka barbaarinta (Kindergarten) - Soomaali (Somali)

Si ay riyadoodu u noqoto mid sarreysa, caruurteenu waxay u baahan yihiin bilawga ugu fiican oo dhanka nolosha ah. Xannaanada caruurta (Kinder) ayaa ah qeyb muhiim ah oo ka mid ah safarka waxbarashada ilmahaaga. Bilaabida tagista xannaano caruureed oo tayo leh marka uu ilmuhu gaaro 3 sano waxay faa'iido u leedahay horumarka ilmaha. Xannaano caruur oo lacag la'aana oo Sanada 3aad iyo 4aad ee Kindergartenka ayaa laga heli karaa Australia oo dhan.

Hoos ka hel xog badan oo ku saabsan barnaamijyada kinder-ka ee gobolka Victoria.

Updated